Dowlada Soomaaliya oo ku baaqday in la joojiyo Dagaalada Magaalada Kismaayo waxa keenayna laga wada hadlo.

Posted on Oct 1 2009 - 5:43pm by News Desk
Tweet
Pin It

00000000000000Bartamaha(Muqdisho):-Dowlada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dagaalada ka socda Magaalada Kismaayo ay sabab u noqon karaan shacab ku dhamada gacanta Kooxaha dagaalamaya.

Wasiirka Warfaafinta Dowlada Fd Soomaaliya Sheekh Daahir Maxmuud Geelo oo Caawa warfidiyeenada la hadlayay ayaa waxa uu sheegay in dhibaato ay shacabka ka soo gaarsyo dagaalada ka socda Kismaayo.

Daarhir Geele  ayaa ku baaqay in dagaalada la joojiyo islamarkaana laga wada hadlo waxa sababay isku dhaca isagoo sheegay in dowlada aanay ku farax sanayn dagaalkaasi.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in xilli waliba uu dagaal ka dhaco dalka ay dowlada ka xuntahay madama waxa dhimanaya ay yihiin shacabkii Soomaaliyeed loona baahanyahay in wax walba laga wada xaajoodo rasaastana la joojiyo.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in Dowlada Soomaaliya ay doonayso in Dagaalkaasi ay isku riiqmaan Islaamiyiinta dhexdooda si dhibaatada iyo culeyska Dowlada saran uu u yaraado.

Hadalkan ka soo baxay Wasiirka Warfaafinta Xukumada Soomaaliya ayaa meesha ka saarayo wararkaasi ka soo baxay qaar ka mida bulshada soomaaliyeed.

 

 Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.