Dowlada Soomaaliya oo hay’adaha samafalka ku dhaliishay joojinta gargaarkii Barakacayaasha.

Posted on Sep 15 2009 - 9:15am by News Desk
Tweet
Pin It

grwBartamaha (Muqdisho) Wasaarada bini’aadanimada Dowlada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in hay’adaha samafalka ay joojiyeen u gargaaridii barakacayaasha islamarkaana ay arintaasi dhaliilayaan.

Maxamud Cadi (Garweyne)wasiirka gar-gaarka bini’aadanimada oo saxaafada Muqdisho kula hadlayay ayaa waxa uu ka dayriyay xaalada xagga nolosha qaxooyiga soomalaiyeed eek u dhaqan Deegaanada lagu barakacay.

Wasiirka ayaa sheegay in shacabka ka barakacay caasimada ay waayeen gargaarkii hay’adaha samafalka oo uu sheegay in ay joojiyeen howlihii ay ugu gurmanayeen shacabka soomaaliyeed ee dhibanayaasha ah.

wasiirka Bini’aadanimada Maxamud Cadi Ibraahim Garweyne ayaa ugu baaqay hay’adaha in ay dib u howlbilaabaan islamarkaana ay bixiyaan hantida shacabka soomalaiyeed madaxooda ay ku soo qaateen.

Hadalka ka soo baxay Wasiirka gargaarka bini’aadanimada ayaa imaanaya xilli inta badan hay’adaha Qaramada Midoobe ay joojiyeen howlihii ay ka wadeen gudaha dalka soomaaliya.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.