Bartamaha(Muqdisho):-Sheekh C/raxman Maxmud Janaqow Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Dowlada Fd Soomaaliya oo kualmo la qaatay qaar ka mida madaxda dalka Sweden ayaa ka codsaday in ay wax ka qabtaan dhalinyarada Soomaaliya iyo ajaanibtaba leh Ee dagaalada u aadaysa gudaha dalka Soomaaliya.
Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Dowlada Soomaaliya Janaqow ayaa albaab waliba u garaacay sidii dowlada Sweden uu uga dhaadhicin lahaa in ay joojiso dhalinyarada ka soo tagaysa wadankaasi isla mar’ahaanataan Soomaaliya u imaanaysa sidii ay uga bar-bar dagaalami lahaayeen Xoogaga Islaamiyiinta Mucaaradka ah.
Socdaalka Wasiirka Cadaaladda & Garsoorka xukuumadda federalka Soomaaliya ayaa waxa uu la xiriira sidii dawladda Sweden uga dhaadhicin lahaa inay joojiso Muwaadiniinta dalkaasi ee soo aadaya dalka Soomaaliya si ay uga barbar dagaalamaan xoogagga Mucaaradka ku ah dawladda, waxaana lagu wadaa in kulan arimahaasi ku saabsan uu la yeesho Xafiiska Arrimaha dibadda ee dalkaasi.
Sheekh C/raxmaan Janaqow ayaa sidoo kale waxa uu kulamo la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed Eek u nool magaalada Stokhom isagoo ka dalbaday in ay si xoogan u xakameeyaan dhalinyaradooda oo uu sheegay in qaarkood ay soomaaliya ku dhinteen xiligan iyagoo la dagaalamaya dowlada uu wasiirka ka yahay.
Wasiirkaasi ka mida dowlada Soomaaliya ayaa waxa uu digniin u jeediyay dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee qorsheynaysa in ay aadaan Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Ciidamada Dowlada isagoo sheegay in dowladooda ay tahay mid Islaami ah.
Kulamadan wasiirka Cadaalada Soomaaliya uu la yeelanayo Jaaliyadaha Soomaalida iyo Madaxda qadankaasi Sweden qarkood ayaa ka danbeeyay ka dib markii ay sii kordheen dhalinyarada Soomaalida ah ee Soomaaliya dagaalada u soo aadaya si ay uga bar-bar dagaalamaan Xoogaga Islaamiyiinta gaar ahaa Xarakada Alshabaab.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia