Dowlada Soomaaliya oo dib u furtay Radio Muqdisho iyo Saxafiyiin Shabaab ka soo cararay oo ka shaqa bilaabay.

Posted on Oct 24 2009 - 3:09pm by News Desk
Tweet
Pin It

radiotowerBartamaha(Muqdisho):-Dowlada Soomaaliya ayaa maanta dib u furtay Radio Muqdisho ka dib qalab ay u heshay Idaacadaasi oo in mudda ah farsamo xumo iyo dhaqaala la’aan hawada uga maqnayd.

Wasaarada Warfaafinta Dowlada Soomaaliya ayaa maanta ka hadashay dib u howlbilaabida Idaacada Muqdisho ka dib qalab loo helay Idaacadaasi oo in mudda ah tabar dara la jiiftay.

Daahir Maxamuud Geele Wasiirka Warfaafinta ayaa maanta ka hadlay Idaacdaasi oo shaqadeeda maanta bilowday ka dib markii loo helkay shaqaale iyo qalab shaqeyn kara.

Shaqaalaha Idaacada ayaa maanta waxaa si weyn uga dhexmuuqday Saxafiyiin Cabsi ay Kooxda Alshabaab ka qabaan shaqada isaga fariistay oo Iscasilaad ku dhawaaqay kuwaasi oo maanta doorbiday in ay ku hadlaan Afka Dowlada Soomaaliya.

Saxafiyiinta iscasilaada ka dhexmuuqday Maantana ku biiray Shaqaalaha Radi Muqdisho ayaa waxaa ka mid ahaa C/raxmaan Al-Cadaale Tifaftirihii Idaacada Shabeele,C/casiis Afrika Tifaftirihii Codka Nabada,Maxamed C/laahi Xaaji Wariye Shabeele,Bashiir Khaliif Gaani Wariye Shabeele iyo kuwa kale.

Saxafiyiinta maanta shaqada bilaabay ayaa waxa ay si cad u sheegeen in ay ka hadlayaan xaqiida dhabta ah ee dalka ka jirta wallow Wasaarada Warfaafinta Wararkooda la soo marsiin doono.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.