Dowlada Soomaaliya iyo Xizul Islaam oo guula ka kala sheegtay dagaaladii xalay ka dhacay Muqdisho.

Posted on Sep 6 2009 - 8:35am by News Desk
Tweet
Pin It

dhimashaaaBartamaha (Muqdisho) Afhayeeno u kala hadlay Dowlada Soomalaiya iyo Ururka Xizbul Islaam ayaa guula ka kala sheegtay dagaaladii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sheekh C/risaaq Maxmed Qeylow afhayeenka Ciidamada Daraawiishta dowlada oo saxaafada la hadlayay ayaa waxa uu sheegay in ay guula ka gaareen dagaaladii Xalay ka dhacay Muqdisho.

Afhayeenka ayaa sheegay in dagaalada ay ahaayeen kuwa dhankooda lagu soo qaaday islamarkaana ay iska difaaceen weerarkii ugu yimid dhanka Mucaaradka oo uu sheegay in ay bishan Ramadaan ka dhigteen bil dagaal bulshada loogu dhameeyo.

Dhanka kale Afhayeenka dhanka Howl-galada Xizbul Islaam Maxamed Aroos ayaa sheegay in dagaaladaasi ay xoogaga Islaamiga guula ay ka gaareen islamarkaana ay la wareegeen fariisino Ciidamada ay ku lahaayeen Wadada Makka Al-Mukarama.

Maxamed Aroos ayaa sheegay in dagaaladii xalay dhankooda ay qaadeen ka dib dhaqdhaqaaq ay ka dareemeen Ciidamada Dowlada iyo kuwa Ugandha isagoo sheegay in dagaalka uu ujeedadiisa ahaa fashilinta weerar ay soo wadeen.

Labada Dhinac waxa ay xiligan kala joogaan goobihii ay horey uga soo kala duuleen islamarkaana ay ku hardameen balse waxaa dhintay 8-ruux waxaana dhaawacmay 25-ruux oo rayid ah natiijadii dagaalkana intaasi ayuu noqday.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.