Dowlada Ruushka oo sheegtay in ay sii kordheyso tirada kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ah.

Posted on Jul 19 2009 - 8:42am by News Desk
Tweet
Pin It

burcad badeda iyo rushka.psdBartamaha(Muqdisho):-War ka soo baxay taliska Ciidamada Badda wadanka Ruushka ayaa waxaa lagu sheegay in ay sii badanayaan kooxaha burcad Badeeda Xeebaha Wadanka Soomaaliya

Taliye xigeenka Ciidamada Badda Wadanka Ruushanka ayaa waxa uu sheegay in ay sii badanayaan dhlinyarada soomaalida ah ee xerfadaha shaqo ka dhigtay burcad badeednimada islamar’kaasina shaqooyinka u soo aada badweynta soomaaliya si ay u afduubtaan maraakiibta ganacsiga Ee Xeebahaasi maraya.

Sargaalkaasi ayaa waxa uu sheegay in Ciidamadooda badda wadanka Ruushka haatan ay ka howlgalayaan Xeebaha Somaaliya islamar’ahantaana dhawaan uu xeebaha soomaaliya gaarayo markab nuuca wax bur-buriya ah kaasi oo ka qeybqaadanaya howlaha lagula dagaalsanyahay Burcadda Badaha Somaaliya.

Sargaalkaasi u hadlay Ciidamada Badda Ruushka ayaa intaasi ku daray in ay jiraan tiro cusub oo burcad badeed ah kuwaasi oo maalin waliba u soo shaqa doonta badda si ay u helaan afduub markab ay kula dhaqaaqaan.

Warbixinta uu soo saaray sargaalkaasi Ruushanka ah ayaa waxa lagu sheegay in Burcadda Soomaalida ay sanadaha 2008-2009 ay qaadeen weeraro gaaraya 116-Weerar kuna guuleysteen 49-weerar oo ka mida oo qaarkood ay ku heleen lacago fara badan oo kor u dhaafaya 125-Milyan oo doolar.

Hadalkan ka soo yeeray Dowlada Ruushka ayaa waxa uu imaanayaa xilli in ka badan 30-Dowladood ay maraakiib dagaal u soo direen Xeebaha wadanka Soomaaliya wallow ay u tag la’yihiin la dagaalanka Kooxaha Afduubayaasha Soomaalida ah.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.