Dowlada Ruushka oo isbahaysiga NATO ugu baaqday in ay ka wadashaqeeyaan la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaaliya.

Posted on Jul 23 2009 - 7:21am by News Desk
Tweet
Pin It

Rusian MarenisBartamaha(Moscow):-Dowlada Ruushka ayaa ka codstay gaashaanbuurta NATO in ay iska kaashadaan qorshaha la dagaalanka Kooxaha Burcad Badeeda wadanka Soomaaliya.

Safiirka dowlada Ruushanka u fadhiya Nato ayaa ka dalbaday gaashaan buurtaasi in si rasmi ah ay iskashi ula yeeshaan maraakiibta dowlada Ruusha eek u sugan Xeebaha wadanka Soomaaliya.

James Bathuri oo ah  afhayeen u hadlay NATO ayaa tilmaamay in ay Dowlada Ruusha xiligan doonayso in la hagaajiyo wada shaqeynta kala dhexeysa Isbahaysigooda islamar’ahaanataana ay dalabkaasi wada shaqeynta ay dowlada Rusha u soo bandhigtay Nato.

Dowalad Ruushka ayaa sheegtay in ay xushmaynayos qodobkii ahaa in ay iskaashi yeeshaan Maraakiibta ku sugan Xeebaha soomaaliya si loola dagaalamo Burcad badaha Soomaaliya oo xiligan fara ba’an ku haya ganacsiga adduunka.

Safiirka dowlada Ruusha ayaa la sheegay in Ciidamada Ruusha ay si wanaagsan u wadaan howlaha ay u yimaadeen Xeebaha Soomaaliya islamarkaana ay caawiyaan Maraakiibta la kulma weerarada Kooxaha Burcad Soomaaliyeed.

Xiriirka labada dhinac Ee Ruushka iyo NATO ayaa xiriirkoodu uu aad u xumaaday Bishii August Sanadii 2008 xiligaasi oo Ruushka weeraray Jamhuuriyada Gorgea oo uu u diidanaa in ay xubin ka noqoto Isgahaysiga NATO.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.