Dowlada oo wacad ku martay sii balaarinta Dagaalka Muqdisho.

Posted on Oct 12 2010 - 7:42am by News Desk
Tweet
Pin It

dagaal1Bartamaha (Muqdisho):- Dowlada KMG ah ayaa balan ku qaaday sii balaarinta dagaalka ka socanaya Magaalada Muqdisho  oo maalmihii u danbeeyay sii daba dheeraaday.

Taliyaha Ciidanka Aaga Degmada Hodon Dhamme C/qaadir C/llaahi oo ku sugnaa aaga hore ayaa saxaafad  u sheegay in ay dagaal toos ah la galayaan Islaamiyiinta Mucaaradka oo maalin walba dagaalo goos goos ah ku soo qaadaya aagaga Ciidanka Dowlada ka joogaan Degmada Hodon.

Taliyaha ayaa wacad ku maray in saacadaha soo aadan ay qabsan doonaan dhulka ugu balaaran illaa Suuqa Bakaaraha oo ay hada haystaan Xoogaga Islaamiyiinta Mucaaradka oo weli weeraro ku haya Saldhigyada ay dowlada ka qabsatay xaafadaha Degmada Hodon.

Taliyahan waxa uu daaha ka qaaday in ciidankiisa ay joogaan aagaga hore waxa uuna xusay in hada uu haysto illaa Xaafada African Village oo ah dhulka ay islaamiyiinta horay u haysteen isagoo sheegay in dagaalka uu moqon doono mid lagu xureeyo Degmadaasi.

Sargaalkan waxa uu cadeeyay in qasaaraha dagaalka ka soo gaaray uu yahay mid aad u kooban  waxa uuna shaaca ka qaaday in ciidankisa ay saacadaha soo aadan Bakaraha gaarayaan maadaama dagaalka goos gooska ah aanu wax faa’iida ah u lahayn balse ay dhankooda weerar qaadayaan.

Hadalka iyo Hanjabaada ka soo yeertay Taliyahan ayaa imaanaya xilli Magaalada Muqdisho maalmihii ugu danbeeyay uu dagaal ka socanayay waxaana illaa hadda xiisad ay ka taagan tahay Degmada Hodon oo ah goob ay Dowlada hormar ka samaysay dhanka dagaalka oo dhul badan uga saartay Mucaaradka.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga AFrika.

[email protected].