Bartamaha (Muqdisho):- Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta dab qabadsiiyay raashin dhacay oo ay ku qabteen gudaha Degmada Xamarweyne.
Raashinka dhacay oo aan tira badan lahayn ayaa waxaa soo qabtay Ciidanka Maamulka Gobolka Banaadir oo dab kula qabtay gudaha Degmadaasi ka gadaal markii ay go’aan guud ku gaareen beegsashada raashinka dhacay.
Saacada uun baa laga joogaa hadalkii Madaxweynaha shalay uu jeediyay oo uu diirada ku saaray raashinka dhacay waxaana m,aamulka gobolka banaadir ay maanta fuliyeen markii ugu horaysay abid gubida raashin dhacay.
Raashinkan ayaa waxa uu ahaa dhowr loor oo nuuca Bariiska ah kaasi oo ay ku qabteen gudaha Degmadaasi Xamarweyne waxaana raashinkan dhacay ay ku sheegeen mid sun ahaa oo halis badan galin lahaa bulshada.
Maxamed C/laahi Cariig waa afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir waxa uuna saxaafada u sheegay in ay maanta bilaabatay la dagaalanka raashinka iyo Dawooyinka dhacay oo shalay Madaxweynaha Fasaxay
Daawo Sawirada:-
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika