BARTAMAHA(B/Weyne):- Saraakiil badan oo Dowlada ka tirsan ayaa dhawaanahan isku sii bahaysanayay Deegaano ka mida Gobolka Hiiraan halkaasi oo muddo ay ka talinayeen Alshabaab.
Saraakiil badan oo Dowlada ka mida kana soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa dhawaanahan waxa ay gaarayeen deegaankaasi ka dib markii Ciidanka Dowlada la diyaariyay si ay ula wareegaan Gobolkaasi.
Sargaal Ciidanka Dowlada u hadlay ayaa saxaafada u sheegay in Ciidanka Dowlada ay diyaar yihiin dhawaana ay la wareegayaan gacan ku haynta Degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolkaasi Hiiraan.
Sargaalkan oo lagui magacaabo Dabaashe ayaa waxa uu cadeeyay in Cidiankooda ay hadda joogaan Goobo badan oo Gobolka ka mida gaar ahaan meel duleedka ka ah magaalada Baladweyne Ee Gobolkaasi.
Sargaalkan ayaa cadeeyay in abaabulkooda uu dhamaaday dhawaana ay ka saarayaan Gobolka Xoogaga Shabaabka oo xoog ku jooga Gobolkaasi sida uu ku Eedeeyay islam,arkaana uu sheegay in dadka ka talinaya ay yihin kuwa aan ka soo jeedin Hiiraan.
Abaabulka Ciidanka Dowlada Ee Hiiraan iyo hadalada ka soo baxaya saraakiisha ayaa imaanaya xilli Gobolkaasi ay hadda ka talinayaan Xoogaga Alshabaab oo muddo ka hor kala wareegay awooda Gobolka Kooxdii Xizbul Islaam.
Dhawaan ayay ahayd markii magaalada Nairobi lagu samaynayay maamul loogu magac daray Hiran State kaasi oo noqday mid dibad joog ah oo aan Gobolka ku sugnayn islamarkaana raggii dhisay ay ku kala laabteen Qaarada Yurub iyo Maraykanka oo ay ka yimaadeen.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika