Bartamaha (Muqdisho):-Dowlada KMG ah ayaa wacad ku martay sii wadida dagaalada ka dhanka ah Xoogaga Mucaaradka.
Taliye ku xigeenka ciidanka xooga ee dowladda KMG C/kariim Faarax Dhagabadan ayaa balan ku qaaday sii wadida dagaalada hada ay Dowlada guula ka gaartay ee ka socanya xaafado ka mida Muqdisho.
Taliye xigeenka waxa uu sheegay in Ciidankooda aanay marnaba dib uga soo bixi doonin goob walba oo ay ka saaraan Xoogaga Islaamiyiinta islamarkaana ay dagaalka sii wadayaan illaa ay ka qabsadaan Dalka oo dhan.
Dhagabadan waxa uu cadeeyay in ay hadda guula balaaran oo bilow ah Dowlada ka gaartay dagaalka sida tooska ah ay ugu dhiiradeen Ciidanka Qaranka sida uu sheegay isagoo muujiyay dhibaatada ay gaarsiin doonaan Xoogaga Mucaaradka.
Sargaalkan ayaa markii uu hadlayay waxaa agagaarkiisa lagu arkayay Ciidan ku sii dhiiran sii galida dagaalka kuwaasi oo uu ku dhiiri galinayay ka qeyb galka dagaalka lagu qabsanayo aagaga ay joogeen Mucaaradka ayaa waxa uu saxaafada u soo bandhigay hormarka ay gaareen.
Sargaalkan ayaa xusay in Magaalada Muqdisho dhawaan ay ka tirtirayaan Alshabaab iyo Xizbul Islaam islamarkaana ay guud ahaan Gobolada ay haatan haystaan ka saari doonaan sida uu sheegay Taliye xigeenka Ciidanka Xooga dalka.
Hadalka sargaalkan ayaa u muuqanayay mid ay Dowlada ku soo bandhigaysay qorshaheeda iyo istiraatiijiyadeeda dagaalka haatan ka sii socanaya caasimada oo laba Cisho gudahood ay ku qabsadeen askarta Dowlada dhul ay Mucaaradka haysteen muddo ka badan Laba sano.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.