Bartamaha(Qaahira):-Dowlad Masar ayaa jawaab ka bixisay hadal shalay ka soo yeeray Xog-Hayaha Guud Ee Jaamacada Carabta kaasi oo ahaa in ay qorsheynayaan sidii Ciidamo Carbeed ugu soo diri lahaayeen Soomaaliya.
Â
 Wasiirka Arimaha Dibada Wadanka Masar Axmed Abul-Qeyd oo saxaafada kula hadlayay Magaalada Qaahira ayaa sheegay in dalka soomalaiya ay xiligan Ciidamo ku filan ay joogaan loona baahanyahay in Amisom ay dhaqaaqa xagga ammaanka sameeyaan.
Axmed Abul-Qayd ayaa sheegay in Dowladaha Carbeed aanay u furnayn weji ay Ciidamo ugu diraan Soomaaliya maadaama xiligan ay Soomaaliya joogaan Ciidamo Afrikaan ah.
Wasiirka ayaa sheegay in Dowlada Masar aanay xiligan diyaar u ahayn Ciidaamo ay u dirto Dalka Soomaaliya balse ay soomaaliya ka saacidi doonto arimaha Dib u hishiisiinta iyo nabadaynta dalkaasi.
Hadalkan ka soo yeeray Dowlada Masar ayaa noqonaya jawaab ka hor’imaanaysa hadalkii shalay uu jeediyay Caamir Muusa oo uu ku tilmaamay in ay diyaarinayaan Ciidamo Nabad ilaalin ah.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.