Dowlada Masar oo kulan arimaha Soomaaliya kala yeelanaysa Dowladaha Eritrea iyo Yaman.

Posted on Oct 4 2009 - 8:31am by News Desk
Tweet
Pin It

masBartamaha(Qahira):-Dowlada Masar ayaa wada qorshe ay Dowladaha Yaman iyo Eritrea uga dhaadhicinayso samatabixinta Bulshada dagaalada ka daashay Ee Soomaaliya.

Wasiirka Arimaha Dibada Wadanka Masar ahmed abul-qaid ayaa socdaal ugu tagay Dalalka Eritrea iyo Yaman sidii wax looga badali lahaa siyaasada dowladahaasi ee dalka Soomaaliya.

Wasiirka Arimaha Dibada ayaa la sheegay in uu Madaxweynayaasha labadaasi wadan uu u geeyay fariin uu diyaariyay Madaxweyne Xusni Mubaarak taasi oo labadaasi wadan uu kala hadlayay arimaha Soomaaliya.

ahmed abul-qaid ayaa la sheegay in qoraaladaasi uu kala gaarsiiyay labada madaxweyne isagoo xiligan ku sugan Magaalada Sanca si uu dhigiisa dalkaasi kala hadlo arimaha dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlada Masar ayaa la sheegay in dhambaalka uu u diray labada wadan uu kala hadlayay taageerada Dowlada xiligan ka jirta Soomaaliya iyo samatabixinta shacabka Soomaaliyeed.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.