Dowlada Maraykanka oo wal-wal ka muujisay dagaalada ka sii holcaya Dalka Soomaaliya xilli shalay la baahiyay in Maraykanka hub uu siiyay Dowlada Fd Soomaaliya.

Posted on Jun 26 2009 - 7:41am by News Desk
Tweet
Pin It

h_washingtonBartamaha(Muqdisho):-Dowladda Wadanka Maraykanka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay Dagaalada ka sii socda Xarunta Dalka Soomaaliya Ee Muqdisho taasi oo ay ku tilmaamtay mid ka hor’imaanaya Nabad ka dhalata geeska afrika.

Afhayeen u hadlay Dowlada Maraykanka oo lagu magacaabo Eyan Keyliy isla mar’ahaantaana ka mida wasaarada Arimaha Dibada wadankaasi ayaa sheegay in loo baahanyahay in la qaboojiyo xiisadaha colaadeed ee ka soo cusboonaaday dalka soomaaliya.

Eyan Keyliy ayaa intaasi ku daray in dalka Maraykanka uu dareemayo qatarta ay dhalinkaraan dagaalada soomaaliya ka soo socda taasi oo uu tilmaamay in uu saamayn karo bariga afrika oo idil isagoo sheegay in loo baahanyahay iskaashi lagu qaboojinayo dagaalada.

Masuulkaasi ka mida wasaarada arimaha dibada maraykanka ayaa tilmaamay in maraykanka ay gacan ka geysanayaan taageerida dowlada Fd Soomaaliya taasi oo uu sheegay in ay tahay xukumada sharciga ah ee ka jirta soomaaliya.

Afhayeenka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in maraykanku uu ka xunyahay dagaalada ay wadaan islaamiyiinta taasi oo uu sheegay in la dareemayo dhaqdhaqaaqyada Al-qaacida ay soomaaliya xiligan ka wado.

Hadalkan ka soo baxay masuulkaasi u hadlay wasaarada arimaha dibada wadanka Maraykanka ayaa imaanaya xilli shalay laga soo xegtay sargaal ka mida wasaarada Gaashaandhiga wadankaasi in maraykanka uu hub ay Taangiyo ku jiraan uu siiyay Dowlada Madaxweyne shariif taasi oo dhawaan laga dajin doono magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.