Bartamaha (Washington):- Dowlada Wadanka Maraykanka ayaa waxa ay shaaca ka qaaday in taageeradeeda xagga militariga ay u marinayso soomaalida dowlada ay saaxiibada yihiin ee la dereska ah.
Sargaal sare oo ka mida Waaxda Difaaca Dowlada Maraykanka ayaa waxa uu sheegay in Maraykanka uu diyaar ula yahay soomaaliya balse xagga nidaamka iyo is aaminaada ay dhibaata ka taagantahay taasi oo keentay in maraykanku uu taageeradiisa marsiiyo dowladaha Gobolka.
Sargaalkan oo la hadlayay Wargeyska The Washington Post ayaa tilmaamay in dowlada soomaaliya caalamka ay taageera la bar’bar taaganyihiin balse ay welli u baahantahay Soomaaliya in ay ka soo kabsato dhibaatada xagga Nidaamka ka soo gaartay.
Hadalka sargaalkan ka mida ah Pentigonka Maraykanka ayaa waxa uu imaanayaa xilli dhawaan la filayo in Maraykanka uu taageera militari oo kale u fidiyo dowlada soomaaliya wallo illaa haatan aanay jirin cid lagu aaminay hubkii hore dowladaasi u soo marsiisay Amisom.
Xafiisba Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.