Dowlada Maraykanka oo la xaqiijiyay in Hub iyo Saanad Militari ugu deeqday Dowlada Fd Soomaaliya.

Posted on Jun 25 2009 - 10:30am by News Desk
Tweet
Pin It

whitehouseBartamaha(Muqdisho):-Warar qarsoodi ah oo uu helay Wargayska The Washington Post ayaa lagu sheegay in dhawaan dowlada Maraykanka ay hub iyo saanad Ciidanka ugu deeqday Dowlada Madaxweyne Shariif Ee Dalka Soomaaliya.

Hubka ay dowlada wadanka maraykanka ay soomaaliya ugu deeqday ayaa lagu sheegay warbixinta uu daabacay wargayskaasi ka soo baxa Magaalada Washington injh uu isugu jiray Taangiyo iyo rasaasta qoryaha kala duwan iyo sidoo kale qoryaha boobayaasha ah.

Saanada iyo hubka ayaa la sheegayaa in ay saraakiil labada dhinac ah geyndoonaan dhawaan Magaalada Muqdisho si ay dowlada wadanka soomaaliya isaga difaacdo kooxaha ku soo siqaya xarunta madaxtooyada iyo goobaha kooban oo ay dowladaasi ka arimiso.

Sida wargayska uu xusay Dowlada wadanka Maraykanka ayaa Hubkaasi iyo qalabka Ciidanka ay wareejisay ula jeeda sidii la iskaga cabin lahaa kooxaha lagu sheego argagaxisada caalamiga ah ee haatan soomaaliya dagaalada ka wada.

Dhawaan ayaa magaalada Muqdisho laga hadal-haayay in dowlada Fd Soomaaliya la siiyay Taangiyo ay kula dagaalanto xoogaga ka soo horjeeda kuwaasi oo u awood sheegtay dowlada wadanka soomaaliya wallow aanay jirin ilaa haatan wax la taaban karo oo arintaasi ka jira.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia