Dowlada Maraykanka oo joojisay dhaqaalihii ay Soomaaliya siin jirtay

Posted on Oct 3 2009 - 9:58am by News Desk
Tweet
Pin It

usBartamaha (Nairobi):-Dowlada Maraykanka ayaa la sheegay in ay joojisay dhaqaalihii ay soo marsiin jirtay Hay’adaha qaramada Midoobe.

Sargaal u hadlay hay’adaha Gargaarka oo magaciisa qariyay ayaa shaaca ka qaaday in Dowlada Marykanka ay si cad u diiday in dhaqaalo la soo marsiiyo hay’adaha Qaramada Modoobe la gaarsiiyo shacabka Soomaalida.

Sargaalkaasi ayaa waxa uu sheegay in Dowlada Maraykanka ay sheegtay in dhaqaalaha laga soo qaado ay si toos ah u gaaraan deegaanada ay ka arimiyaan Islaamiyiinta Mayalka adag.

Dowlada Maraykanka Sargaal dhawaan u hadlayay waaxda Xiriirka Bini’aadanimada uu sheegay in ay walaac ka muujinayaan dhaqaalaha ay gaarsiinayaan Soomaaliya taasi oo shaki uu ka muujiyay Islaamiyiinta.

Hadalkan ka soo yeeray Qaramada Midoobe ee ku aadan diidmada Maraykanka ee ku wajahan  joojiyay dhaqaalaha gargaarka ayaa imaanaya xilli Dowlada Soomaaliya ay horey u dalbatay in cuna qabateyn la saaro goobaha ay joogan Islaamiyiinta.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.