Bartamaha(Washington):-Dowlada Wadanka Maraykanka ayaa isku diyaarinaysa taageera Xagga Militariga ah oo ay u difiso dowlada aan tabarta lahayn Ee Soomaaliya xilli dhawaan la filayo in ay kulan yeeshaan madaxweynaha soomaaliya iyo Xog’hayaha Arimaha Dibada Soomaaliya.
Johnnie Carson Kaaliyaha Xoghaya arrimah dibadda Maraykanka u qaabilsan arrimaha Qaarada Africa ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Maraykanka ay siinayso soomaaliya taageera xagga Militariga .
Mr.Carson ayaa sheegay in Maraykanku uu diyaar u yahay taageerida dowlada soomaaliya si ay uga guulaysato Koxaha weerarada ku haya ee sida weyn ugu dhawaaday Xarunta Madaxtooyada.
Kaaliyaha Xoghaya arrimah dibadda u qaabilsan arrimaha Qaarada Africa Johnnie Carson ayaa sheegay in dhawaan ay Xoghaya arrimaha dibadda ee Wadanka Maraykanka Hilary Klinton ay la kulmi doonto madaxweynaha dowlada soomaaliya si ay u caawiso una fasaxdo taageerada Xagga Militariga ah Ee loo fidinayo dowlada Soomaaliya .
Kaaliyaha Xoghaya arrimah dibadda u qaabilsan arrimaha Qaarada Africa Johnnie Carson ayaa balan qaaday in Dowladiisu ay diyaar u tahay bad-baadinta dowlada taageerada caalamka haysata balse aan tabarta Ciidan lahayn Ee Xiligan soomaaliya ka dhisan.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.