Bartamaha(Muqdisho) Jime Carson Kaaliyaha Xoghayaha Arimaha dibadda Maraykanka u qaabilsan Africa ayaa waxa uu sheegay in ay dowlada Ethiopia uga digayaan faragalin ay ku sameyso dalka soomaaliya taasi oo uu sheegay in aanay dani ugu jirin labada dowladooda galitaanka dalka soomaaliya.
Mr.Carson oo la hadlayay wakaalada wararka Reutres xilli uu ku sugnaa magaalad Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa uu sheegay in uu kala hadli doono dowlada Ethiopia in aanay faragalin ku samaynin dalka Soomaaliya taasi oo uu ku sheegay in ay tahay mi dhibaatada soomaaliya ka jirta sii murjinaysa.
Kaaliyaha Xoghayaha Arimaha dibadda Maraykanka u qaabilsan Africa ayaa sidoo kale sheegay in ay labada dowladooda la socondoonaan isbadalada ka jira dalka soomaaliya isla mar’ahaantaana maraykanka uu cadaadis ku saarayo Itoobiya in aanay ciidamadeeda u dirin dalka soomaaliya.
Mr.Carson ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in dowlada Ethiopia ay u fasaxantahay in ay difaacdo xadka ay soomaaliya la wadaagto balse aanay ciidamadeeda gudaha u gali karin xiligan dalka soomaaliya taasi oo uu tilmaamay masuulkaasi in ay saamayn ku yeelan karto nabvadaynta geeska afrika.
Hadalkan ka soo baxay dowlada wadanka maraykanka ayaa ku soo aadaya xilli ciidamada Ethiopia ay ku suganyihiin qeybo ka mida gobolada dalka soomaaliya isla mar’ahaantaana hadalada madaxda Dowladaasi ka imaanaya ay noqdeen mid isburinaya.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.