Bartamaha(New York):-Dowlada Wadanka Maraykanka ayaa hanjabaad u dirtay Eritrea taasi oo ku aadan in ay cunaqabatayn dhawaan ku soo rogi doonto hadii aanay joojin dhibaatooyinka ay ka hurinayso Bariga Afrika.
Wakiilka Dowlada Maraykanka Ee Golaha Ammaanka SOSANA RAISE ayaa shegtay in ay sii kordhayso dhibaatada ay dowlada Eritrea ka wado wadanka soomaliya.
Haweenaydaasi Maraykanka uga qeybgalaysay kulanka xalay ka dhacay Xarunta Qaramada Midoobe ayaa sheegtay in ay hayaan tilmaamooyin cadayn u ah faragalinta dowlada Eritrea ee arimaha soomaaliya.
Mrs.Raise ayaa sheegtay in xiligan wixii ka danbeeya uu maraykanka ku soo rogayo Eritrea cunaqabatay hadii aanay si cad u sheegin in ay joojinayso faragalinta dalka soomaaliya.
Hadalka Mrs.sosana raise ayaa u muuqday mid hanjabad ah taasi oo ay la soctay baaq ah in ay dowlada wadanka Eritrea ay joojiso faragalin uu maraykanku sheegay in ay ku hayso dalka soomaaliya.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
It’s funny that America chooses to destroy a nation as it desires because the UN is ideologically monitored by USA.
Why not indicate the signs so people could observe and prove it.