Dowlada KMG ah oo WFP ay kala hadasho sidii ay dib uga howlgali lahayd Koonfurta Soomaaliya.

Posted on Feb 25 2010 - 8:35am by News Desk
Tweet
Pin It

AbdirahmanBartamaha(Muqdisho):-Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa doonaysa in ay WFP hala hadasho sidii ay dib ug howlgali lahayd Koonfurta Soomaaliya.

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah C/raxmaan C/shakuur Warsame oo haatan ku sugan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegay in uu WFP kala hadlayo shaqo bilaabida Koonfurta Soomaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in WFP ay kala hadlayaan sidii ay shaqadeeda uga bilaabi lahayd Koonfurta Soomaaliya maadaama ay dadka u baahanyihiin gurmadka hay’ada.

Wasiirka qorsheynta iyo Iskaashiga Calamiga ah ayaa sheegay in WFP aanay dagaal kala dhexeynin Dowlada iyo Shacabka intaba balse ay dhibaato ka tabanayso Alshabaab kaliya loona baahanyahay in ay shaqadeeda ku dheerato.

Dhawaan ayaa la filayaa in Wasiirka iyo Xubna sare oo Dowlada ah ay la kulmaan madaxda WFP si ay ugala hadlaan in  ay dib uga howlgasho Koonfurta Soomaaliya.

Alshabaab iyo WFP ayaa isku qabtay qaabka shaqada ee hay’adaasi taasi oo dhalisay in hay’ada ay joojiso dhammaan shaqadii ay ka waday Gobolada ay ka taliyaan Islaamiyiinta Soomaaliya.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.