Dowlada KMG ah iyo Kooxda Alshabaab oo guula ka kala sheegtay dagaal ka dhacay Woqooyiga Muqdisho.

Posted on Jan 10 2010 - 4:33pm by News Desk
Tweet
Pin It

dh Bartamaha(Muqdisho):-Dowlada KMG ah iyo Kooxda Alshabaab ayaa guula ka kala sheegtay dagaal qasaara shacab badan sababay oo manta Muqdisho ka dhacay.

Sheekh Cali Maxamed Xuseen Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ee Kooxda Alshabaab ayaa shaaca ka qaaday in ay iska caabioyeen weerar ay ku soo qaadeen Ciidanka Dowlada oo uu u yaqaano kooxda Ridada .

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay laayeen Ciidamadii la soo qalday ee dagaalka ku soo qaaday fariisinka Alshababaab Ee Wadada Beexaani iyo C.Casiis Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Alshabaab Muqdisho ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka uu ahaa amid xoogan oo ay soo qorsheeyeen Dowlada KMG ah oo uu isaga u yaqaano Ridada balse ay dib u cabiyeen duulaankaasi.

Dhanka Dowlada KMG ah afhayeen u hadlay Ciidamada Militariga Dowlada KMG AH Aadan Kaalmooy ayaa waxa uu sheegay in ay ka guulesyteen weerar ay soo qaadeen Koxda Alshabaab oo doonaysay in ay qabsadaan Hotelka Golobal Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka Dowlada u hadlayay ayaa sheegay in ay jabiyeen Ciidamada Dowlada Kooxda soo duushay oo doonaysay in ay fariisino kale samaystaan bale aanay u suurta galin.

Marka aynu ka soo tagno guula kala sheegadka Dowlada KMG ah iyo Alshabaab ayaa waxaa jira qasaara xoogan oo gaaray dadka shacabka ah ee manta dagaalka uu ka dul dhacay.

Illkaa 3-qof ayaa dhimatay 7-kalana dhaawac ayaa oo gaaray ka dib markii duqeyn iyo rasaas la isku dhaafsaday Degmada Kaaraan oo ay shacab badan daganyihiin kuwaasi oo qasaarahaasi maanta uu gaaray.

Xili waliba oo uu dagaal ka dhaco magaalada Muqdisho waxaa qasaaraha badan uu gaaraa dadka shacabka ah oo aan waxba galabsan taasi oo noqonaysa mid aanay marna masuuliyad iska saarin dhinacyada shacabka ku dul dagaalamaya.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.