Dowlada iyo Alshabaab oo guulo kala sheegtay

Posted on Mar 10 2010 - 2:32pm by News Desk
Tweet
Pin It

dgBartamaha(Muqdisho):-Dowlada KMG ah iyo Saraakiisha Alshabaab ayaa guula balaaran ka kala sheegtay dagaal shacab badan ay maanta ku la’deen.

Dagaalka Maanta dhacay ayaa waxaa ka kala hadlay Afhayeenka Alshabaab iyo midka Wasaarada Warfaafinta oo dhammaan sheegtay in ay guul balaran ka gaareen dagaalkaasi.

Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage “Cali Dheere” oo saxaafada kula hadlkayay Telfonka waxa uu sheegay in uu ku suganyahay Hotelka Global oo ay Ciidankiisa qabsadeen sida uu sheegay.

Afhayeenka Shabaabka waxa uu intaasi ku daray in Ciidankooda ay jabiyeen Askarta Dowlada  isagoo sheegay in maalmaha soo aadan ay qabsanayaan Degmooyinka Madaxtooyada ay ku taalo.

Dhanka kale afhayeenka Wasaarada Warfaafinta Dowlada KMG ah Sheekh C/Risaaq Qeylow ayaa sheegay in dagaalka saaka dhacay ay ku jabiyeen Alshabaab oo saraakiil ajaanib ah ay ka dileen.

Afhayeenka ayaa tilmaamay deegaanada ay la wareegeen Ciidanka Dowlada wallow uu sheegay in laga soo noqday markii la tusay tabarta ay lahaayeen Alshabaab sida uu saxaafada u sheegay afhayeenka Wasaarada Warfaafinta.

Guulaha ay kala sheegayaan labada dhinac waxaa sal u ah shcab badan oo maanta ku dhintay dagaalkii dhexdooda ahaa kuwaasi oo aanay jirin cid iska warsanaysa dhibaatdsa gaartay rayidka.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliya

www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.