Dowlada K/Kuuriya oo shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay Ciidamo u dirayso haddii QM ay dhaqaalaha Ciidamadaasi bixinayso.

Posted on Jun 27 2009 - 8:52am by News Desk
Tweet
Pin It

Iraq South KoreaBartamaha(Muqdisho):-Wasaarada Gaashaandhiga Dowlada K/Kuuriya ayaa daaha ka qaaday in ay diyaarisay Ciidamadeeda oo gaaraya ilaa 3000-oo askari kuwaasi oo ay sheegtay in ay soomalaiya geynayso haddii dhaqaalahooda la damaanad qaado.

Wasaarada Difaaca wadankaasi ayaa shegtay in ay kaga jawaabayso diyaarinta Ciidamadan codsigii dowlada Fd Soomaaliya ay u jeedisay caalamka taasi oo aan jawaab inta badan ka helin wadamada ay ka dalbatay Ciidamada.

Sargaal u hadlay wasaarada Difaaca wadankaasi ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin Ciidamadaasi gaaraya ilaa 3000- oo askari in ay u dhaqaaqan gudaha dalka soomaaliya isagoo shardi kaga dhigay in Qaramada Midoobne ay dhiibto dhaqaalaha ku baxaya Ciidamadaasi.

Hadalkan ka soo baxay wasaarada Difaaca K/Kuuriya ayaa imaanaya xilli dowladaha codsiga ay dowlada soomaaliya ay dhammaantood ka caga jiidayaan galitaanka dalka soomaaliya iyadoo ay dowladaasi u muuqtao in ay muhiimada saarayso dhaqaala ka soo gala dalka soomalaiya.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Â