Dowlada Jabuuti oo ciidamo Amisom ka mid noqonaya u soo direysa Dalka Soomaaliya.

Posted on Aug 15 2009 - 6:07pm by News Desk
Tweet
Pin It

DJabutian MilletryBartamaha (Djibouti):-Dowlada Jabuuti ayaa la sheegayaa in ay ciidamo u soo direyso dalka Soomaaliya kuwaasi oo la shaqeynaya Ciidamada Amisom Ee Soomaaliya ku sugan.

Wasiirka Arimaha dibada Wadanta Jabuuti Maxmed Cali Yuusuf ayaa la sheegay in todobaadkii la soo dhaafay uu kulan la yeeshay Saraakiil Dowlada Ugandha ka mida iyo dhiggiisa wadankaasi iyadoo la sheegay in ay ka wada arinsadeen arimaha howlgalada Ciidamada Amisom Soomaaliya ay ka wadaan.

Sam Gun oo ah afhayeen u hadlay Dowlada Ugandha ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan diyaar garow Ciidamada Dowlada Jabuuti ay wadaan kuwaasi oo uu tilmaamay in ay ku wajahanyihiin sidii Soomaaliya ay u soo aadi lahaayeen.

Afhayeenkaasi ayaa waxa uu sheegay in Wasiirka Arimaha Dibada Jabuuti uu balan qaaday in dhawaac Ciidamada Jabuuti ay u soo dhaqaaqayaan dalka soomaaliya isagoo qiray in aanay jirin wax tira ah oo u wasiirka cadeeyay.

Warar qarsoodi ah ayaa sheegaya in Dowlada Jabuuti Ciidamadeeda ay soo gaarayaan Dalka Soomaaliya ka dib bisha barakaysan Ee Ramadaan wallow wararka qaar ay tilmaamayaan in Ciidama Jabuutiyaan ah ay joogaan xiligan Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.