Dowlada iyo Axmed Madoobe oo la filayo in ay iska kaashadaan dagaalo ka dhaca Jubooyinka.

Posted on Mar 7 2010 - 10:29am by News Desk
Tweet
Pin It

ciidamada milaterigaBartamaha(Jubooyinka):-Guddi Dowlada ay u saartay dagaalo lagu qaado Magaalooyinka ay ka taliyaan Alshabaab Jubooyinka ayaa shaaca ka qaaday in ay dagaal bilaabayaan.

Afhayeenka Guddiga Abaabulka iyo Xoraynta Jubbooyinka Capt. Xirsi Xaaji Cabdi ayaa shaaca ka qaaday in maalmaha soo aadan ay bilaabayaan howlgal balaaran.

Afhayeenka ayaa sheegay in dagaalada ay ku xureynayaan Gedo iyo Jubooyinka oo haatan si xoogan uga taliyaan Ciidamada Kooxda Alshabaab.

Afhayeenka Guddiga Abaabulka iyo Xoraynta Jubbooyinka Kabtan Xirsi Xaaji Cabdi ayaa intaasi ku daray in ay kaashanayaan dhammaan cid walba oo alshabaab ka soo horjeeda.

Mar la weydiiyay xiriirka ay la leeyihiin Axmed Islaam Madoobe ayaa waxa uu sheegay in ay haatan la xeranayaan  maadaama uu yahay nin diidan ALshabaab oo halgan dagaal ku jira.

Afhayeenkaasi ayaa ugu dambayntii sheegay in ay diyaarsanyihiin ciidamo kumanaan ah oo dhammnaan Jubooyinka iyo Gedo mar qura ka qaban doona gacanta Kooxda ALshabaab.

Axmed Islaam Madoobe  oo ah Sargaal Xizbul Islaam ka tirsan ayaa horay u sheegay in ay dagaal la galayaan Alshabaab mel walba oo ay joogaan si dalka looga sifeeyo kooxdaasi.

Lama oga xiriirka ka dhexeeya labadaasi dhinac wallow xagga siyaasada aad xiligan moodo in ay isaga soo dhawaanayaan maadaama dagaal uu kala wada dhexeeyo Alshabaab.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.