Dowlada Giriiga oo balan qaad u samaysay soomaalida ku nool dalkaasi ka dib kulan uu Wasiirka Arimaha Dibada la yeeshay Jaaliyada Soomaalida.

Posted on Aug 8 2009 - 9:12am by News Desk
Tweet
Pin It

athenesBartamaha (Athenes):- Dowlada Wadanka Giriiga ayaa shaaca ka qaaday in ay wax badan ka qaban doonto dhibaatada shacabka soomaaliyeed lagula dhaqaaqo dalka Giriiga ka dib codsiyo ay soomaalida jeediyeen.

Wasiirka Arimaha Dibada Wadanka Giriiga ayaa kulan la yeeshay Jaaliyada Soomaaliyeed Eek u nool wadankaasi ka dib markii todobaadkii la soo dhaafay xabsiyada la dhigays oomaalidii ugu badnayd.

Kulanka ay yeesheeye Wasiirka Arimaha Dibada Wadanka Giriiga iyo Jaaliyada Soomaalida ayaa la sheegayaa in lagu lafa guray dhibaatada ku habsatay shacabka soomaalida Ee dalkaasi gaaray.

Madaxda Jaaliyada Soomaaliyeed Ee Dalka Giriiga ayaa ka dalbatay Wasiirka Arimaha Dibada in xabsiyada laga soo daayo soomaalida lagu xer-xeray dalkaasi ka dib banaanbax todobaadkii la soo dhaafay halkaasi ay ka dhigeen.

Wasiirka Arimaha Dibada Wadanka Giriiga ayaa balan qaaday in shacabka Soomaaliyeed Ee ku dhaqan dalkaasi laga qaadi doono culesyka isagoo sheegay in ay muhiimtahay in soomaalida ay qaataan waraaqaha aqoonsiga ama ay galaan xeryaha qaxootiga.

Wasiirka ayaa u balanqaaday jaaliyada soomaaliyeed in xabsiyda laga sii dayn doono soomaalida dhawaan la dhigay xabsiyada isagoo sheegay in dhibaatada haysat5a soomaalida ay wasaaradisa iyo tan Arimaha Gudaha ay iska kaashandoonaan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.