Dowlada Fd Soomaaliya oo soo dhaweysay gogosha nabadeed Madaxweyne Qadaafi.

Posted on Oct 27 2009 - 8:33am by News Desk
Tweet
Pin It

dahir geelBartamaha(Muqdisho):-Dowlada Soomaaliya ayaa si diiran u soo dhaweysay gogosha nabadeed oo uu dhigayo Madaxweynaha Dowlada Liibiya Col.Qadaafi.

Wasiirka Warfaafinta Dowlkada Soomaaliya Daahir Maxamuud Geele ayaa daaha ka qaaday in Dowlada Soomaaliya ay diyaar u tahay wada hadal ay la gasho Mucaaradka.

Daahir Maxamuud Geele Wasiirka Warfaafinta Dowlada KMG ah ayaa waxa uu sheegay in dhammaan Madaxda Dowlada ay diyar u yihiin wada hadal si gaar ah iyo si guud ay ula yeeshaan Xoogaga Mucaaradka

Mr.Geele ayaa ugu baaqay dhinacyada Mucaaradka in ay danta Soomaaliya eegaan islamarkaana ay u naxaan shacabka dhibaataysan ee Soomaalida oo xiliyadii ugu danbeeyay dagaalada ay dhibaatada ugu badan gaarsiiyeen.

Hadalka Wasiirka Warfaafinta Dowlada Soomaaliya ayaa imaanaya xilli Liibiya ay balan qaaday fidinta googol din u hishiisin wallow Kooxda Alshabaab ay durbaba shuruudo ku xereen.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.