Dowlada Faransiiska oo soo dhaweysay in Ciidamada Amisom ka bar-bar dagaalamaan Ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Posted on Jul 14 2009 - 3:24pm by News Desk
Tweet
Pin It

parisBartamaha(Muqdisho):-Dowlada wadanka Faransiiska ayaa si weyn u soo dhaweysay in Ciidamada Amisom ay wadooyinka kula dagaalamaan Islaamiyiinta Mucaaradka si wax looga qabto Islaamiyiinta Mucaaradka Ee ku sii xoogaysanaya Caasimada Muqdisho.

Afhayeen u hadlay wasaarada Arimha Dibada wadanka Faransiiska oo lagu magacaabo Arek Shufaaliyah ayaa waxa uu sheegay in ay sii diiran u soo dhaweynayaan howlgalo Ciidamada Amiosm ay ka sameeyaan gudaha Magaalada muqdisho.

Dowlada Faransiiska ayaa sheegtay in ay soo dhaweynayso cid waliba oo wax ka qabanaysa dhibaatada ka taagan dalka Soomaaliya oo xiligan uu dhibaatada ugu daran ay ka traagantahay.

Arek Shufaaliyah ayaa sheegay in loo baahanyahay wax ka qabashada dhibaatooyinka Dalka soomaaliya isagoo balan qaaday in Faransiiska ay wax waliba ka hor’marinayso ka tir-tirida dalka soomaaliya islaamiyiinta argagaxisada ku xeran.

Hadalkan ka soo yeeray dowlada faransiiska ayaa imaanaya xilli dagaalo dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho ay ka qeybgaleen Ciidamada Amisom kuwaasi oo dhankooda ka gaabsaday ka qeybqaadashada dagaaladaasi wallow ay soo baxayaan baaqyadan lagu taageerayo.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.