Dowlada Eritrea oo walaac ka muujisay hubkii dowlada Maraykanka ay siisay Dowlada Fde Soomaaliya.

Posted on Jun 28 2009 - 9:37am by News Desk
Tweet
Pin It

eritrea

Bartamaha(Muqdisho):-Wasiirka arimaha Dibada Dowlada Eritrea ayaa wax laga argagaxo ku tilmaamay hubka ay maraykanka u gacangalinayaa dowlada Fd Soomaaliya taasi oo uu sheegay in ay dhibaata kaliya ku hayso shacabka reer Muqdisho.

Masuulkaasi dowlada Eritrea u hadlay ayaa shaaca ka qaaday in ay si weyn uga walaacsantahay Eritrea hubka sharci darada ah ee soomaaliya ay geynayso dowlada Maraykanka oo uu sheegay in ay tahay mid aan u hogaansamin shuruucda wadamada caalamka u yaala.

Wasiirkaasi ka tirsan Dowlada Eritrea ayaa hadalkiisu ku sheegay in ay si weyn arintan u muujinayso qaska iyo qalaanqalka uu Maraykanku ka wado wadamada Geeska Afrika isla mar’ahaantaana uu wadamada qaar farta ku fiiqo in soomaaliya ay qasayaan Maraykankuna aanu sharci qaban. 

Hadalkan qeyla dhaanta u badan ee ka soo yeeraya dowlada Eritrea ayaa imaanaya xilli horey Maraykanu uu ugu eedeeyay dowladaasi in Hub ay siiso kooxaha Mucaaradka balse ay dhankeeda eedeyn tii hore maraykanu u eedeeyay oo kala ah ay haatan so saartay taasi oo muujinaysa in soomaaliya ay labadaasi wadanba isku tuur-tuurayaan.

Xafiiska Wararka Soomaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia