Dowlada Eritrea oo ku baaqday in ay wada hadlaan dhinacyada soomaaliya isku haya iyadoo been abuur ku tilmaamtay faragalinteeda Soomaaliya.

Posted on Aug 5 2009 - 5:46pm by News Desk
Tweet
Pin It

EritreaBartamaha(Asmara):-Dowlada Wadanka Eritrea ayaa ku celisay diidmadeeda in ay taakulayso Islaamiyiinta Soomaaliya dagaalada uga jira iyadoo ay ku baaqady in soomaalida ay wada hadlaan.

Cali Cabdow Wasiirka Warfaafinta ee dowladda Eritrea ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reutars in ay jeceshahay Eritrea in ay saacido dowlad soomaaliyeed oo shacabkeeda taageera ka haysata .

Wasiirka Warfaafinta Cali Cabdown ayaa qiil u sameeyay sabbaha ay soomaalida u dagaalamayaan isagoo sheegay in ay shacabka ka soo hor’jeedaan in dhibaato loo geysto bulshada soomaaliyeed oo inta badan kaga timaada dhanka wadamada reer galbeedka.

Wasiirka ayaa daaha ka qaaday in ay soo jeedinayaan wadahadal dhinacyada soomaalida ah si loo dhiso dowlad lawada taageersanyahay isagoo sheegay in Casmara ay doonayso shacabka soomaaliyeed oo dhibaatada ka baxa.

Cali Cabdow ayaa sidoo kale ka hadlay hadal dhwaan ka soo yeeray dowlada Maraykanka Ee Ku aadanaa in la cunaqabataynayo Dowladiisa haddii aanay joojin faragalinta soomaaliya taasi oo uu sheegay in ay tahay iska hadal balse ay muhiim tahay in Ethiopia loo cunaqabateeyo faragalinteeda dalka soomaaliya.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.