Bartamaha(Sishalis):-Dowlada Shiinaha ayaa bilowday dadaalo xoogan oo ay xiriiro kula samaynayso kooxaha Burcad badeeda ah si ay ugu guulaysato sii daynta markabka looga haysto biyaha Soomaaliya.
Dowlada Shiinaha ayaa waxaa la sheegay in ay wakiilo u soo dirtay dhanka Jasiirada Sishalis si loo fududeeyo sii daynta Markab Xamuul ah oo shalay burcad badeeda ku qafaasheen meel ku dhow biyaha Soomaaliya.
Kooxo burcad badeed ay ayaa garneelo ku weerartay markabka Shiinaha xilli uu marayay meel u jirta xeebta Soomaaliya qiyaastii 1000-KM oo ay ka soo kexeesteen markabkaasi.
Shiinaha ayaa waxa ay ku dadlaalayaan in la badbaadiyo raashin iyo gawaari saaran markabka kuwaasi oo in mudda ah badda ku soo jiray balse haatan halis galay markii ay afduubteen Burcad badeeda.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.