Bartamaha (Nairobi):- Ciyaar aad u xiiso badaneyd oo ka dhacday garoonka la yiraahdo Gulled Stadium ee dalka Jabuuti oo ay kuwada Ciyaareen Xulalka Qaranka Soomaaliya iyo Kenya islamarkaana ka tirsaneyd Xulka 17-jirada Koobka isreereebkiisa ayaa waxaa guul weyn ka gaartay Xulka Qaranka ee Wadanka Soomaaliya.
Ciyaarta oo aheyd Ciyaar aad u xiiso badneyd ayaa Xulka Qaranka ee 17-jirada Wadanka Soomaaliya waxa ay ku badiyeen 3-1 iyadoo labo kamid ah Goolashaasi qeybtii hore ee Ciyaarta ay dhaliyeen Xulka Qaranka Soomaaliya, waxaana u dhaliyay Ciyaaryahanka lagu magacaabo Jabriil kaasi oo u ciyaara Kooxda Banaadir Telcom ee wadanka Soomaaliya halka goolka 3-aad qeybtii labaad ay la timid xulka Qaranka Soomaaliya uu u dhaliyay Ciyaaryahan Shiino oo isagu laga keenay wadanka Mareykanka.
Lugta labaad ee ciyartan ayaa la filayaa in xulalka Soomaaliya iyo Kenya ay ku ciyaaraan Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo la ciyaari dooni 17-ka Bishan..
Xulka Qaranka ee wadanka Soomaaliya ayaa si weyn uga gacan sareeyay xulka Qaranka ee wadanka Kenya iyadoo ay u sacabo tumayeen boqolaal ruux oo isugu jiray Soomaali iyo Jabuutiyaan kuwaasi oo ku sugnaa garoonka Gulled Stadium ee caasimada wadanka Jabuuti.
Ma ahan markii ugu horaysay ee xulka Qaranka ee wadanka Soomaaliya ay ku badiyaan garoonka Gulled Stadium, hase ahaatee 2008-dii ayay sidaan oo kale Xulka Qaranka ee wadankaasi Kenya uga badiyeen 2-1 inkastoo lugtii labaad markii la isugu tagay magaalada Nairobi looga badiyay Soomaaliya 2-1 Rigoorayaal loo dhigayna ay guusha ku raacday xulka Qaranka ee wadanka Soomaaliya.
Ibraahim Da’ud Abdalle “Gentlemanâ€
Xafiiska Bartamaha ee Nairobi, Kenya.