Diyaarado Xalay qalqal galiyay Shacabka Kismaayo iyo Qoryaha Lidka Diyaaradaha oo la diyaariyay.

Posted on Mar 10 2010 - 1:12pm by News Desk
Tweet
Pin It

070402-F-3961R-107.JPGBartamaha(Kismaayo):-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in  Xalay qalqal xoogan ay dareemeen shacabka ku dhaqan magaalada iyadoo Ciidamada ay ka kala carareen Saldhigyada.

Diyaarado joog hoose ka duulayay ayaa Xalay qalqal galiyay ammaanka gud ee Magaalada Kismaayo markii ay ku dul meereesteen baraha Muhiimka ah ee magaalada ay ka joogaan Saraakiisha Alshabaab.

Saldhigyada Magaalada ayaa Xalay saqdii dhexe guud ahaan la faarujiyay sida uu inoo sheegay mid ka mida dadka dagan agagaarka xarunta maamulka ee Magaalada Kismaayo.

Xaafadaha magaalada ayaa laga maqlay Lidka Diyaraha oo hawada sare loo ridayay iyado diyaarado guuxooda dheereynayay oo magaalada ku dul meereysanayay.

Dadka qaar ayaa waxa ay sheegen in ay arkeen Diyaaradahaasi oo mararka qaar Sawira ka qaadanayay Magaalada oo laga dareemayay Flash ay bixinayeen diyaaradahaasi.

Maanta ayaa waxaa magaaladaasi lagu arkayay Gawaari ay saaranyihiin qoryaha loo yaqaano Lidka Diyaaradaha sida qoryaha Zuu-ga iyo qoriga 37-ka oo ay saarnaayeen askarta Alshabaab.

Diyaaradaha ayaa waxa ay dadka magaalada ka muujiyeen Walaac balaaran maadaama ay dhex daganyihiin Saldhigyo Ciidan iyo guryaha Saraakiil sare oo Alshabaab ah oo laga baqanayo in ay beegsadaan diyaaradahaasi.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.