Bartamaha(Kismayo):- Diyaardahani oo ah kuwo ku socda jog hoose ayaa mudo ka ban 24 saacadood waxa ay dul heehaabayaann xeebaah iyo guud Ahaanba hawada magaalada kismaayo kuwaasi oo Aan la ogeyn dalalka laga leeyahay goobaha ay ka soo kicitimayaan iyo waliba sababaha rasmiga ah ee ay dul meerayaan magaalada kismaayo ee xarunta G/j/Hoose oo ay haatan Gacanta ku hayaan cutubyo ka tirsan xoogaga islaamiyiinta ee xisbul islaam iyo xarakatu shabaabul mujaahidiin.
Haseyeeshee dad weynaha Reer kismaayo oo wal wal. Iyo walaac xoogan ka muujiyey Diyaaradahanai maalintii 2Aad Dul meeraya magaalada kismaayo ayaa qaar kamid ah waxa ay Tilmaameen in ay diyaaradahanai yihiin Nooca wax Basaasa halka qaar kalana ay sheegayaan in ay yihiin diyaaradaha dagaalka ee loo yaqaano miig 70tigai  aydoona ay dad weynuhu intaasi sii raacinayaan cabashooyin balaaran oo ay ka muujinayaan diyaaradahani o markii ay soo kacaan gabi Ahaanba matoorkoodu gil gilayo magaalada kismaayo iyo deegaano hoos yimaada ilaa iyo hadana majiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka islaamiga ee magaalada kismaayo oo ku Aadan diyaaradahani maalintii 2Aad dul heehaabaya magaalada ksimaayo ee Xarunta g/j/Hoose .
Inkastoo aysan Aheyn markii ugu horeysay ee diyaarado Aan la ogeyn wadamada lag leeyahay iyo waliba danahooda gaarka ah lagu arko qeybo ka tirsan gobolada dalka soomaaliya ayaa hadana arintani waxa ay ku soo beeg meysaa Xilii haatan xeebaha dalka soomaaliya ay soo buux dhaafsheen maraakiibta dagaalka ee laga leeyahay wadama lagacbaxay Nato oo aygu sheega inn ay la dagaalamayaan kooxa burcad badeeda soomaaliya walow Aan la ogeyn in ay diyaaradahani ka soo kicitimaaan maraakiibtaasi ku sugan xeebaha dalka soomaaliya
  Warar xaqiiq ah kala Soco www.Bartamaha.com
 Ismaaciil Cali
 Kismayo-Somalia