Bartamaha(Gaal-Kacyo):-khilaaf ka dhashay lacag aad u yar ayaa maanta sabab u noqotay geerida 1-ruux iyo dhaawaca mid kale taasi oo ka dhacday woqooyiga Magaalada Gaal-Kacyo.
Isku dhaca iyo muran soo kala dhexgalay laba nin ayaa sabab ka dhigtay in ay isku mari waayaan lacag dhan 20.000-Sh.Soomaali ah taasi oo sabab ka dhigtay in loo dilo mid ka mida ragga murankaasi dhexmaray iyo dhaawac soo gaary qof kale oo rayid ah.
Goobta falkaasi uu ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray Ciidamada Booliiska Magaalada Gaal-Kacyo wallow uu si fudud u baxsaday ninka dilka geystay taasi oo la yaab ku abuurtay dadkii ka agdhawaa goobta falka.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.