Dibadbax aad uweyn oo looga soo horjeedo dagaal dhexmara islaamiyiinta oo maanta ka dhacay magaalada kismaayo.

Posted on Sep 28 2009 - 6:33pm by News Desk
Tweet
Pin It

banaanbax

Bartamaha(Kismayo):- Dibabbaxan oo ay soo abaabuleen qaar kamid ah dadka ku dhaqan magaalada kismaayo ayaa looga soo horjeeday dagaal dhex mara islaamiyiinta ku sugan magaalada kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

 Dadweeynaha banaanbaxani ka qeybqaadanayay ayaa waxa ay isugu jireen Dumar iyo Caruur kuwaasi oo ku dhawaaqayay erayo ay kamid ahaayeen ‘Dagaal diimeed doonimeyno’ iyo halku dhigyo kale oo ay ku muujinayeen sida ay uga xunyihiin dagaal dhex mara ururrada islaamiga ah ee kuwada sugan gudaha agaalada kismaayo.

 Banaanbaxayaashaani oo socdaalo dheer ku soo maray qeybaha kala duwan ee Magaalada Kismaayo oo ay  ka mid yihiin xarunta degmada, Saldhiga, guriga gobolka iyo wadooyinka waa weyn ee Magaalada Kismaayo, iyadoo siweyn looga dheehan karay sida ay uga xunyihiin xiisadaha ka taagan magaalada kismaayo.

 Sikastaba ha ahaatee banaanbaxyadani ayaa kuso beegmaya xillli dadka ku dhaqan magaalada kismaayo ay cabsi weyn ka muujinayaan in xoogaga islaamiyiinta ah ay isku dhacaan madama ay magalada ku suganyihiin ciidamo aad u xoogan oo uu horkacayo Sheekh axmed max’ed Islaam (Axmed madoobe) oo kamid ah masuuliyiinta sar sare ee ururka Xizbul islaam.

 Kala soco Warar Xaqiiq ah www.Bartamaha.com

 

Xafiiska wararka

Kismayo-somalia