Xadka Kenya ay gobolkani jubadda hoose la wadaagto ayaa waxaa lagu soo waramayaa in dhibaatooyin fara badan ay kala kulmaan dadka ayagu doonaya in ay u socdaalaan dalkaasi Kenya kana baxaya gudaha dalka soomaaliya .
Â
Dhibaatooyinkaasi ayaa waxa ka mid xayiraado lagu soo oogo socdaalkoodii hakadna la geliyo safarkoodii ay ku doonayeen katalaabista xadka Kenya iyo in ay dalkaasi gudaha u galaan wadanka Kenya ka dib markii xadka ay soo buux dhaafiyeen ciidamada Militariga Dalkaasi Kenya oo inta badani Mujtamaca Soomaliyeed shaki balaaran uga muujiyeen in ay u hanqal taagayaan soo galista gudaha dalka soomaaliya.
Â
Waxaa sidoo kale dadkaasi haatan xayiraadaha balaaran la kulmay ka mid ah qoysas iyagu kasoo hayaamay dirirta kasoconeysa Magaaladaasi Muqdishu ee Caasimada Soomaaliya rabayna in ay hiigsadaan safafka hore ee xeryaha Qaxootiga Waqooyi Bari dalkaasi Kenya .
Â
Inkastoo ay jiraan dhibaatooyinkaasi dadka barakacaya ay kala kulmaan Xadka mudooyinkan danbe gaar ahaan ayaa misna dadkaasi markii ay ku adkaatay ka talaabista xadka waxaa ay dib ugu soo laabteen Deegaanka Dhoobley iyo Afmadoow oo iyagu ka mid Deegaanada ku dhow dhow Xadka Dalkaasi Kenya waxaana laga soo deerinayaa xaalada nololeed ee dadkaasi Xadka ka talaabi waayay misna kasoo barakacay Dagaalada Xamar ka socda .
Â
Si kastaba ha ahaate xayiraadahaan la saaray Musaafiriinta Soomaalida ayaa waxa ay u muuqataa mid dowlada Kenya ay ku sugeyso Amaanka Dalkeeda ayagoona cabsi ka qaba in si sibiq ah ay ku galaan Gudaha Dalkasi xoogaga Mujaahidiinta Soomaalida oo iyagu wacad ku maray in ay xabad ka ridi doonaan gudaha dalkaasi Kenya ka gadaal markii bay yiraahdee ay ka mid noqotay Kenya wadamada dhibaatooyinka looga soo maleego Dalkan Muslimka ee Soomaaliya.
Â
Kala Soco Warar Xaqiiq ah www.Bartamaha.com
Â
Kismayo-Somalia.