Dhalinyaro Soomaaliyeed tahriib doon ah oo lagu laayay Xadka ay wadaagaan Saudi Arabia iyo Yaman .

Posted on Nov 21 2009 - 7:44am by News Desk
Tweet
Pin It

tahriibayaalBartamaha(Sanca):-Ciidamada Dowlada Sucuudiga ayaa la xaqiijiyay in ay dileen dhalinyaro Soomaaliyeed oo isku dayaysay in ay ka gudbaan Xadka ay wadaagaan Yaman iyo Sucuudiga.

Ciidamada Ilaalada Xadka sucuudiga ayaa dil toogasho ah kula dhaqaaqay 7-dhalinyaro Soomaaliyeed oo doonaysay in ay ka gudbaan Xadka ay wadaagaan Yaman iyo Sucuudiga.

Dhalinyarada la dilay ayaa waxaa la sheegay in todobaadkii la soo dhaafay ay ka dhaqaaqeen Magaalada Sanca ee Yaman si ay uga talaabaan Xadka labadaasi dal iyagoo la sheegay in la dilay.

Xadka ay wadaagaan Yaman iyo Sucuudiga ayaa dhawaanahan waxa uu ahaa mid ammaankiisa uu yahay mid aad u xun iyadoo dagaalo ay ka jiraan Xadka kaasi oo u dhexeeya Yaman iyo Koox shiica ah.

Dilka dhalinyarada Soomaalida ah ayaa waxa uu qeyb ka yahay xad gudub ay Ciidamada Sucuudiga kula dhaqaaqaan dhalinyarada Soomaalida ee Tahriibka u aadaysa Dalkaasi si ay u baadi goobaan nolol ka wanaagsan midda Soomaaliya.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.