Dhalinyaro Soomaaliyeed oo lagu dilay Dalka South Afrika.

Posted on Jan 21 2010 - 9:35am by News Desk
Tweet
Pin It

capetownBartamaha(Cape-Town):-Kooxo Burcad u dhashay DalkaK/Afrika ayaa Xalay ku gubay goob ganacsi gudaha Dalkaasi Koofur Afrika.

Wararka naga soo gaaraya Dalka K/Afrika ayaa waxa ay sheegayaan in Xalay dab lagu dilay dhalinaro soomaaliyeed oo ku sugnaa goob ganacsi gudaha Dalka K/Afrika.

Laba wiil oo Soomaali ah ayaa ku gubatay o goobta ganacsi ku dhex dhimatay iyadoo mid kale isagoo dhaawac ah uu ka baxsaday ka dib dab xoogan oo la qabadsiiyay goob ganacsi oo ku taalay tuulo duledka ka ah magaalada Cape-Town.

Magacyada Labada wiil ee dabka ku dhimatay ayaa lagu sheegay Ismaaciil Cabdi Ciid iyo Salaad afgooye iyadoo uu dabka ka baxsaday Axmed Cabdule Suge oo dhaawac ahaan u yala isbitaal.

Dabka ayaa waxaa la sheegayaa in uu gabi again gubay goobta ganacsi oo deegaan ahaan ku taalay dhulka miyiga ah ee Magaalada Cape-Town Ee Dalka South Afrika halkaasi oo horay dilal loogu geystay ganacsatada soomaaliyeed.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.