Bartamaha(B/Xaawo):-Fagaara ku yaala Degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa lagu garaacay dhalinyaro lagu eedeeyay in ay daawadeen Aflaam Sharci dara ah.
Dhalinyaro deegaanka Baladxaawo ku dhaqnayd ayaa shalay lagu garaacay fagaara dad badan ay joogeen markii la sheegay in Mobilada ay wateen lagu arkay aflaam anshax dara ah.
Fagaaraha ayaa la soo joojiyay Laba wiil oo la sheegay in ay daawadeen Aflaam anshax dara ah oo horay looga mamnuucay dalka Soomaaliya deegaanada y ka taliyaan Islaamiyiinta.
Laba wiil ayaa lagu dhiftay 20-Karbaash iyadoo dhammaan dadka looga digay in ay dhagaystaan Heesaha iyo daawashada Aflaamta oo loo shegay in talaaba cad laga qaadayo ciddii la soo qabtaa.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.