(DHAGAYSO) Al Shabaab oo sheegtay in ay uguurisay Dagaalyahano ka bar bar dagaalamo

Posted on Jul 10 2009 - 7:35pm by News Desk
Tweet
Pin It

fuad khalafXoogaga Al Shabaab ayaa maanta soo bandhigay dagaal yahano katirsan Ururka Al Qaacidda oo ka bar bar dagaalamaya xoogaga kasoo horjeedo dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM.

Iskusoo bax weyn oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayay saraakiil katirsan Ururka Al Shabaab kula hadleen Boqolaal Qof oo kasoo qayb galay Muxaadaro ka dhacday Markazka Salaxu diin.

Hadalada waxaa ka mid ah:
“Walaakaya haduu guursaday , inaan dhahno weeye.
Baarakalaah Fiika wa baaraka calayka…Ka waran Ilma CAD CAD banaanka weeye soow maaha.
Dadka aan wax ku darsano nimanyahow, Soomaali hadaa nahay cunsurinimaa na dishay, Waxa na madoobeeyay Umaddaan iska reebnay.
Umadda aan wax ku darsano, ninkii muslin wax ku darsadaa wax hela soow maaha”

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Muxaadaradan oo Ciwaankeedu ahaa (Muslimiintu waxay jecelyihiin Muhaajiriinta” waxaa soo jeedinayay Sheekh Fu’aad Max’med Khalaf oo siweyn uga dhax muuqda xoogaga Dowlada la dagaalama.

Sheekh Fu’aad wuxuu sheegay in Waqooyiga magaalada Muqdisho uu yahay dhul Muslim halka Koonfurta magaalada uu ku tilmaamay dhul gaalo.

Mar uu sheekh Fu’aad arrinkaasi ka hadlayay wuxuu yiri ” dhulka lagu xukumo shareecada Islaamka waa dhul Muslim , waqooyiga Muqdisho mujaahidiinta ayaa joogta waa dhul muslim, KM4 wixii ka dambeeya dhul Muslim maahan” ayuu yiri Sheekh Fu’aad.

Ururka Al Shabaab oo la rumaysanyahay in uu taageero UrurKA Al Qaacidda ee dagaalka  caalamiga ah ka wado caalamka.

Mid kamida dagaal yahanadii goobta ka hadashay ayaa sheegay in Somalia ay u yimideen Jihaadka isagoona weerar dhanka Afka ah ku qaaday Madaxweyne shariif “waxaan nahay walaalihiin waxaan doonaynaa in aan Imaarad islaami ah ka dhisno Somalia, ma nihin wuxuu nagu sheegay shaydaan shariif sheekh Axmed, Sheekh ma ahan waayo sheekh waxaa la dhahaa Nin ixtiraam leh” ayuu yiri Dagaal yahan Ramzi lagu magacaabo oo Al Shabaab ka bar-bar dagaalamo.

Aflagaadada uu u geystay Madaxweyne Shariif shaqsigaan ajnabiga ah hadana Muqdisho ku dhex dagaalamaya hoos ka dhageyso

Waxaa iyana goobta ka hadlay ilaa iyo 2-dagaal yahan oo kasoo haajiray Maraykanka iyo Ingiriiska dhamaantoodna waxay sheegeen in ay Dagaal Jihaad ah ku jiraan sida ay hadalka u dhigeen.

Waxaa goobta Muxaadarada ah lagu sheegay in Dagaal yahanadan Muhaajiriinta ah dhawaan loo guuriyay islamarkaana ay guursadeen gabdho Somali ah.

Codkan oo ay RBC Radio ay  si qarsoodi ah kusoo qaaday waxaa ka dhax-muuqdo Sheekh Fu’aad oo Dagaal yahan kusoo dhawaynaya Meel Muxaadara ah.

Xoogaga Al Shabaab ayaan qarsan in ay garab ka helayaan dagaal yahano islaamiyiin ah islamarkaana ay sii wedayaan Dagaalada.

Bartamaha wararka Soomaaliyeed  Muqdisho Somalia
www.Bartamaha.com