DEG DEG: Xildhibaan katirsan Dowladda KMG ah oo iskusoo dhiibay Al Shabaab

Posted on Feb 11 2010 - 5:30pm by News Desk
Tweet
Pin It

WAR DEG DEG AHBartamaha Muqdisho War Goordhaw soo gaaray xafiiska wararka Bartamaha   ayaa xaqiijinaya in xildhibaan katirsan dowladda Somaliya uu iskusoo dhiibay Xoogaga Hubaysan ee kasoo horjeedo Dowladda Federaalka KMG Somalia.

Sarkaal sare oo katirsan Xoogaga Islaamiyiinta ayaa Bartamaha Goorwdhaw kasoo xigatay in Xildhibaan Saalax Bad baado uu iskusoo dhiibay Ururada Hubaysan ee dowladda ladagaalamo balse aanan weli la ogayn magaceeda.

Bartamaha Media xafiiskeeda waxay ogaatay in in Saalax Bad baado oo wata Gaari Ronet uu iskusoo dhiibay Islaamiyiinta islamarkaana uu Caawa jiifanayo guri weyn oo kuyaal  degmada Dayniile.

War kale oo aan helnay wuxuu sheegayaa in uu Saalax Badbaado isku dhiibay Islaamiyiin aan ogayn waxaysa wararka qaar sheegayaan in uu Shabaab iskusoo dhiibay.

Xildhibaankan katirsan Baarlamanka ee isku dhiibay Islaamiyiinta ayaa maalmihii lasoo dhaafay khilaaf weyn kala dhexeeyay Gudoomiyaha Baarlamanka dowladda KMG Somalia Sheekh Aadan Max’med Nuur Aadan Madoobe.

Warar kale ayaa sheegaya in Xildhibaan Saalax Badbaado loogu Hanjabay dil kadib markii uu Cambaareeyay Xilalka ay hayaan madaxda dowladda KMG Somalia, ilaa iyo hadda dowladda KMG Somalia wax War ah kamasoo bixin dowladda KMG ah.

Xafiiska Wararka Bartamaha Nairobi