Bartamaha(Muqdisho):-Deeqdan oo ahayd mid la yaab leh ayaa maanta waxaa la gaarsiiyay Barakacayaasha Ceel-Carfiid Dameero ay ku Xamaashaan.
Hay’ad samafalka ka shaqeysa ayaa maanta waxa ay deeq Dameera ah gaarsiisay Barakacayaasha ku dhaqan Deegaanka Ceel Carfiid Duleedka Magaalada Muqdisho .
Deeqda ayaa waxa ay ahayd mid aan weli la arag markii raxan Dameera ah goobta la isugu geeyay ka dibna la sheegay in Barakacayaasha loogu deeqay.
Illaa 62-Neef oo dameer ah ayaa la siiyay dadka Barakacayaasha ahaa ee deegaanka Cirfiid markii hay’ada bixinaysay ay sheegtay in gaadiid yari ay dadkaasi haysato.
Qoyasaska Barakacayaasha ayaa midkiiba loogu deeqay 1-dameer si ay ugu adeegtaan iyadoo uu qiima weyn u leeyahay dadka deegaankaasi.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.