Deegaanka Xarardheere oo Saaka xasiloon xilli waxgaradka ay ku howlanyihiin kala qaadida Maleeshiyaadka.

Posted on Aug 9 2009 - 8:12am by News Desk
Tweet
Pin It

dagal beeldBartamaha (Xarardheere):- Xaalada Deegaanka Xarardheere ayaa lagu soo waramayaa in ay tahay mid xasiloon iyadoo halkaasi ay ka socdaan qaban-qaabada kala qaadida maleeshiyaadka dagaalada u dhexeeyay.

Dadka ku nool Deegaankla Xarardheere ayaa saaka ku soo toosay jawi daganaansha ah iyadoo aanay jirin wax rasaas ah oo laga maqlayo gudaha Deegaankaasi.

Odayaasha iyo dhalinyaro dagaalada ka madax banana ayaa waxa ay bilaabeen in ay u kala dabqaadaan labada koox ee dagaalada ay u dhexeyaan kuwaasi oo lagu amray in rasaasta ay joojiyaan.

Nabadoonada ayaa waxa ay ku guuleysteen in ay dhufeysyada ka saaraan labada dhinac Ee gudaha magaalada isku hor’fadhiyay iyadoo si rasmi ah goobaha colaada ay ka socotay maalmahan haatan dadku ay ku dhaqdhaqaaqi karaan.

Illaa haatan ma jiro wax natiija ah oo rasmi ah ay ku heshiiyeen beelaha ku dagaalamaya deegaanka Xarardheere balse waxaa deegaanka haatan uu yahay mid xasiloon oo ciidamada laga dheereeyay goobaha ay lifka isku hayeen rasaastana ay ka socotay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomalaiyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.