Bartamaha (Muqdisho) Darawalada gaadiidka ka shaqeeya Wadada u dhexeysa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ayaa waxa ay si diiran u soo dhaweeyeen joojinta lacgihii baada ahaa Ee Wadada Kontoroolka Afgooye loga qaadi jiray.
Gaadiidleyda ayaa waxa ay tilmaameen in ay u baaqatay lacag kor u dhaafaysa 100,000-SH.Som. unba dhiganta 3-$ taasi oo mar waliba oo ay soo maraan looga qaadi jiray Wadada Ex-Control.
Saaka ayaa waxaa caadi u shaqeynaya gaadiidka wadada Afgooye kuwaasi oo qiima dhimis aan sidaa u balaarnayn ku sameeyay lacagihioi gaadiidka lagu raaci jiray taasi oo muujinaysa sida ay darawalada inta badan cules ugu yihiin shacabka gaadiidka raacaya.
Inta badan xiligii Isbaarada looga qaadayay gaadiidka Wadada Ex-Control Afgooye waxa ay shacabka gawaarida raacaya u sheegi jireen qiima aad u culus iyadoo marmarsiiyo ay uga dhiganayeen isbaarada wadadaasi taalay.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.