Bartamaha(Muqdisho):-Dakada Magaalada Muqdisho ayaa saaka howsheeda caadi ku soo laabatay ka dib markii shalay Markab hub siday uu ku soo xertay Dakada.
Dakada ayaa saaka waxa ay tahay mid howsheeda caadi u wadata ka dib markii shalay Ciidamada AMisom ay xanibeen shaqadii ka socotay Dakadaasi islamarkaan ay dajin ku bilaabeen markab Saanad Militari u waday Ciidamada Amisom.
Shaqaalaha Dakada qaarkood ayaa sheegay in ay shaqooyinkoodi xiligan dib u bilowdeen ka dib markii uu xalay dakada ka shiraacday Markab hub iyo Saanad Ciidan u dajiyay Ciidamada Amisom.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Dakada Eek u aaday shaqadii shalay laga xanibay Dakada Magaalada Muqdisho wallow xiliyada Ciidamada Amisom ay Markab ugu soo xerto Dakada ay gabi ahaanba joogsato shaqada Dakadaasi.
Â
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.