Bartamaha (Muqdisho):-Dakada Magaalada Muqdisho ayaa qaab maamulkeeda khilaaf adag ka taagan yahay ka dib markii ay is qabteem masuuliyiin sare oo ka mida Dowlada.
Howlaha Dakada Muqdisho ayaa si gaabis ah u socanaya waxaana la la’yahay qara ka mida masuuliyiinta oo baqdin darteed aan soo istaagin gudaha Dakada Magaalada Muqdisho.
Khilaaf xoog badan ayaa soo kala dhexgalay Sheekh Aadan Madoobe oo ahaa wasiirkii hore Ee wasaarada gaadiidka badda iyo dekedaha iyo agaasimaha cusub ee wasaaradaasi oo isku fahmi waayay dalab uu jeediyay maareeyaha dakada.
Masuuliyiintan dhammaan ku wada cusub shaqada dakada ayaa isku afgaran waayay dhaqaale culus oo laga qaadayo maraakiibta iyo ganacsatada badeecada kala soo dagta dakada magaalada Muqdisho.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada gaadiidka badda iyo dekedaha ayaa ku ganac seeray dalab ka yimid aadan Madoobe oo doonayay in uu xisaab la’aan qaato dhaqaale dakada ka soo xarooday bishan.
Agaasimaga ayaa waxa uu helay sida warka aynu ku ogaanay qoraal ka yimid maareeyaha dakada isagoo lagu soo wargaliyay dhaqaalaha uu doonayo Sheekh Aadan Madoobe in uu kala baxo qasnada dakada.
Arintaasi ayaa sababtay in agaasimaha uu go’aan gaaro ka dibna halkaasi laga xeray qasnadii dakada taasi oo muran uiu ka oogan yahay weli wallow uu ku baxay Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha.
Khilaafka Dakada ka taagan ayaa sabab ka dhigay in saddex Cisho in uu caga dhigi waayo dakadaasi Maareeyaha Dakada iyo masuuliyiin uu ka mid yahay Aagaasimaha Guud oo xanibay dhaqaalaha iyagoo ka baqanaya Ciidanka Aadan Madoobe.
Xaalada ayaa weli ah mid gacanta aan soo galin iyadoo xadigii shaqalaha la isku khilaafayay ay sii dhaaftay balse waxaa war na soo gaaray uu sheegayaa in Sheekh Aadan madoobe iyo ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ay is afgarad gaareen.
Wixii faahfaahin dheeraad ah www.Bartamaha.Com ayaa daaha kaaga qaadi doonta Insha allaah.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika