Dagaalo Xalay ka dhacay qeybo ka mida Degmada Dharkenley iyo Xaalada Deegaankaasi oo saaka dagan.

Posted on Jul 31 2009 - 8:28am by News Desk
Tweet
Pin It

dagaalada dharkenBartamaha(Muqdisho):-Dagaaladan oo u dhexeeyay Ciidamada dowlada iyo Xoogaga ka soo hoejeeda ayaa xalay saqdii dhexe waxa ay ka qarxeen xaafado ka mida Deegaanada ay isku horfadhiyaan Ee Degmadaasi.

Dhawaqa rasaasta oo ay bar-bar socdeen madaafiic ayaa xalay abaara 12:00-kii habeenimo waxaa laga maqlay Xaafadaha Kaxda,Dabaqaynka,Masjid Kuwayt iyo Xoosh halkaasi oo bilihii la soo dhaafay ay isku hor’fadhiyeen ciidamada dowlada iyo Islaamiyinta mucaaradka.

Dagaalka labada Ciidan ayaa waxa uu deegaanadaasi ka socanayay muddo 2-Saacadood ah xilli dadka deegaanadaasi ay hurdada ka soo tooseen islamar’ahaanataan ay u carareen gobo ay kaga gabaadsadaan rasaasta iyo Madaafiicda ay labada koox isweydaarsanayeen.

Qasaaraha dagaalka ayaa waxa uu yahay mid aan sidaa loo ogaan Karin maadaama dagaalka uu dhacay xilli habeen ah ayna adagtahay sida ay halkaasi u gaaraan gawaarida gurmadka iyo dadka caadiga ah intaba.

Jawiga Xaafadaha lagu dagaalamay ayaa ah mid xasiloon iydoo goobihii horey ay u kala joogeen labada Ciidan haatan ay kala gaareen waxaana dib u bilowday dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka Ee Xaafadaha Degmada Dharkenley.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.