Dagaalo weli ka holcaya Muqdisho iyo Barakac balaaran oo bilowday.

Posted on Sep 7 2010 - 12:24pm by News Desk
Tweet
Pin It

dagaal_0020_QOL (1)Bartamaha (Muqdisho):- Dagaalo xoog badan ayaa Todobaadkii saddexaad ka Holcaya Caasimada Muqdisho oo Xalay laga hurdi waayay daryanka rasaasta iyo Madaafiicda.

Dagaalka ayaa waxa uu qarxay gabal dhicii shalay waxaana xoogaga Alshabaab iyo Ciidanka Amisom ay isku hayaan wadada u dhexeys Dabka iyo Bakaaraha halka woqooyiga magaalada uu dagaal kale ka socanayo.

Xooga dagaalka ayaa waxa uu ka socanaya Woqooyiga Magaalada waxaana la sheegayaa in Ciidanka Amisom ay Taangiyadooda geeyeen aagaga hore oo ay Alshabaab maleeshiyaadkooda aad ugu soo dhawaadeen saldhigyada Amisom.

Xaafadaha ku yaala Woqooyiga magaalada ayaa xalay laga seexan waayay waxaana isku haya Ciidanka Amisom iyo xoogaga Al;shabaab iyadoo Ciidanka Dowlada ay deegaano yar dagaalka uga jiraan.

Hoobiyayaasha iyo PM-ka oo sida roobka ugu soo daadanayay xaafadaha Woqooyiga magaalada ayaa waxa ay sababeen dhimashada 7-ruux iyo dhaawaca in ka badan 15-kale oo dhammaan ah rayid xalay madaafiicda ay ku haleeleen xaafadaha Woqooyiga Muqdisho.

Dagaalkan ayaa waxa uu galay Todobaadkii saddexaad markii uu sababay in wadada Dabka ay xeranto haatana uu ku baahay Jihooyinka Woqooyiga Muqdisho oo ay Alshabaab isku balaarinayso.

Dhanka kale dadka caasimada ku dhaqan waxa ay bilaabeen in ay dibada uga baxaan magaalada iyagoo ka baqanaya in ay dagaaladan noqdaan kuwa wejiya badan yeesha oo ku baaha dhul badan oo hadda Dowlada ay maamusho.

Xaafadaha Woqooyiga Magalaada ayaa tiradii yarayd ee dadka shacabka ah ay isaga cararayeen maanta waxaana magaalada lagu arkayay gaadiid ay ku raranyihiin alaabo kala duwan oo ay shacabka ku barakacayaan.

Wixii ku soo kordha dagaalka socanaya kala soco www.Bartamaha.Com

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika

[email protected]